Baydhabo, 14 Oktoobar 2026: Guddiga Maaliyadda iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka qaybgalay kulan uu Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ku soo bandhigay Warbixinta Sannadlaha ah ee Sannad-maaliyadeedka 2025.
Intii uu kulanku socday, Xildhibaannada ka qaybgalay ayaa ka hadlay kaalinta Golaha Wakiillada ee la socodka natiijooyinka warbixinta Hanti-dhowrka, korjoogteynta dhaqangelinta talooyinka ka soo baxay baarista, iyo xoojinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed ee hay’adaha dowladda.
Xildhibaannadu waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in bulshada Koonfur Galbeed ay helaan xog cad oo ku saabsan sida loo maamulo dakhliga iyo canshuuraha laga qaado shacabka, iyo in kheyraadka dadweynaha loo maareeyo si waafaqsan shuruucda iyo habraacyada maaliyadeed ee jira.
Sidoo kale, Xildhibaannadu waxay xaqiijiyeen in Golaha Wakiilladu sii xoojin doono doorkiisa korjoogteynta, gaar ahaan dhinacyada maamulka maaliyadda, ilaalinta hantida dadweynaha iyo dabagalka fulinta talooyinka Hanti-dhowrka Guud.
Ugu dambayn, waxaa kulanka lagu adkeeyay muhiimadda wada-shaqaynta hay’adaha dowladda si loo xoojiyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo maamul-wanaagga Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.






