Baydhabo, 27 Sebtembar 2026: Guddiga Garsoorka iyo Caddaaladda ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee korjoogteynta, ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.
Guddiga, oo ay hoggaaminaysay Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Faa’iso Axmed Cabdullaahi, waxaa Wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Aadan Macallin Cabdiraxmaan, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mubaarak Cabdisalaan.
Intii uu kormeerku socday, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Guddiga warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Wasaaradda, caqabadaha jira, qorshayaasha sannadlaha ah, iyo horumarka laga sameeyay adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda, iyo kor u qaadidda tayada adeegyada loo fidiyo shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.
Guddiga Garsoorka iyo Caddaaladda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Wasaaraddu xoojiso korjoogteynta masaajidda iyo xarumaha lagu barto waxbarashada diinta, isla markaana ay kordhiso dadaallada lagu hor istaagayo faafinta fikradaha xagjirka ah iyo wax kasta oo khatar ku ah nabadgelyada iyo wadajirka bulshada.


