Guddiga Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta
Bogga Hore » Guddiyada » Guddiga Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta
Ku Saabsan Guddiga
Guddigani wuxuu qaabilsan yahay arrimaha la xiriira maaliyadda dowladda, ganacsiga, qorsheynta dhaqaalaha iyo maamulka kheyraadka dadweynaha. Wuxuu Golaha ka taageeraa dib-u-eegista shuruucda, siyaasadaha, miisaaniyadda iyo barnaamijyada dowladda ee la xiriira dhinacyada uu qaabilsan yahay.
Waajibaadka iyo Mas’uuliyadaha
Guddigu wuxuu dib-u-eegis ku sameeyaa hindise-sharciyeedyada, siyaasadaha, miisaaniyadda iyo arrimaha guud ee la xiriira maaliyadda, dakhliga, kharashaadka, ganacsiga iyo qorsheynta dhaqaalaha. Wuxuu sameeyaa korjoogteynta Golaha ee dhinacyadaas, wuxuu eegaa maamulka iyo isticmaalka kheyraadka dadweynaha, wuxuu tixgeliyaa arrimaha Golaha u soo gudbiyo, wuxuuna diyaariyaa warbixinno iyo talooyin iyadoo la raacayo Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha.
Xubnaha Guddiga