Baydhabo, 20 Sebtembar 2026: Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankii 11-aad ee Kalfadhiga 1-aad, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Mudane Aadan Xasan Maxamed, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Marwo Shamso Maxamed Yaroow.
Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda ayaa Golaha u soo bandhigay Cutubyada 2-aad, 3-aad, 4-aad, 5-aad iyo 6-aad ee Xeer-hoosaadka. Kaddib akhris iyo dulmar guud, Xildhibaannadu waxay ka dhiibteen aragtiyo, soo-jeedimo iyo wax-ka-beddello ku saabsan qodobbada la horgeeyay Golaha.
Dood iyo falanqayn kaddib, Golaha ayaa cod u qaaday cutubyada la soo bandhigay, waxaana dhammaan Cutubyada 2-aad ilaa 6-aad lagu meel-mariyay cod aqlabiyad leh.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay ka-qaybgalka, doodaha wax-ku-oolka ah iyo dadaalka ay geliyeen dib-u-habeynta qodobbada Xeer-hoosaadka. Guddoomiyuhu wuxuu Guddiga faray in aragtiyada iyo wax-ka-beddellada Xildhibaannada lagu daro nuqulka dib loo habeeyay, si Xeer-hoosaadku si hufan ugu hago fadhiyada, hannaanka iyo shaqada Golaha.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in Cutubyada 2-aad, 3-aad, 4-aad, 5-aad iyo 6-aad ee maanta la meel-mariyay ay dhaqan-galayaan marka lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee Golaha Wakiillada.
Ugu dambayn, Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda ayaa aqbalay wax-ka-beddelladii iyo aragtiyihii ay Xildhibaannadu soo jeediyeen, si loogu daro nuqulka dib loo habeeyay ee Xeer-hoosaadka Golaha.





























