Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta, oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ku meel mariyay Cutubka 1-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Kulanka maanta oo ahaa kulankii 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Mudane Aadan Maxamed Xasan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Marwo Shamso Maxamed Yaroow.
Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda ayaa Golaha horgeeyay nuqulka kama dambaysta ah ee Cutubka 1-aad, kadib dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel lagu sameeyay. Markii cod loo qaaday, waxaa oggolaaday 55 Xildhibaan, iyadoo aysan jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada codaynta iyo meel-marinta Cutubka 1-aad.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda faray inay soo diyaariyaan warbixinnada iyo wax-ka-beddellada Cutubyada 2-aad iyo 3-aad, si loogu soo gudbiyo Golaha fadhiga xiga.
Guddoomiye Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa sidoo kale bogaadiyay Xildhibaannada Golaha sida firfircoon ee ay uga qaybqaateen doodaha iyo dib-u-eegista Cutubka 1-aad ee Xeer-hoosaadka, isaga oo ku ammaanay shaqada miro-dhalka leh ee la qabtay. Waxa uu Xildhibaannada ku boorriyay inay sii joogteeyaan dadaalka, ka-qaybgalka iyo masuuliyadda ay muujinayaan inta lagu guda jiro dib-u-eegista iyo meel-marinta cutubyada harsan ee Xeer-hoosaadka Golaha.





























