Xildhibaan Cudbi Cabdiraxmaan Cabdi oo loo Magacaabay Guddoomiyaha Kutlada Haweenka ee Golaha Wakiillada 3-aad

Baydhabo, 21 Sebtembar 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Xildhibaan Cudbi Cabdiraxmaan Cabdi u magacaabay Guddoomiyaha Kutlada Haweenka ee Golaha Wakiillada 3-aad ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah xoojinta abaabulka iyo habsami-u-socodka shaqada Golaha, iyadoo Kutlada Haweenku door muhiim ah ku leedahay isku-xirka Xildhibaannada haweenka, kor u qaadidda ka-qaybgalka haweenka ee howlaha Golaha, iyo gudashada waajibaadka Baarlamaaniga ah.

Golaha Wakiilladu wuxuu Xildhibaan Cudbi Cabdiraxmaan Cabdi ugu hambalyeynayaa magacaabista, isagoo u rajeynaya guul iyo gudasho wanaagsan oo waajibaadka cusub.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top