Ku-simaha Madaxweynaha oo Kulan la Yeeshay Taliska Ilaalada Madaxtooyada

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Marwo Shamso Maxamed Yaroow, ayaa qaabilay Taliyaha cusub ee Ilaalada Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Kabtan Cabdiraxmaan Nishoow Cali, iyo Taliyihii Ku-simaha ahaa, Major Maxamuud Wali Raashiid.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga magaalada Baydhabo iyo sugidda nabadgelyada iyo xasilloonida Qasriga Madaxtooyada.

Dr. Mahad ayaa Taliska faray in la xoojiyo ammaanka Madaxtooyada, isla markaana la fududeeyo gelitaanka iyo bixitaanka, iyadoo la ilaalinayo ammaanka iyo karaamada Xildhibaanada Golaha Wakiillada.

Taliska Ilaalada Madaxtooyada ayaa Madaxweynaha Ku-simaha ah u xaqiijiyay inay xoojin doonaan amniga, iyagoo si buuxda u dhowraya karaamada aadanaha iyo mudnaanta gaarka ah ee ay leeyihiin Xildhibaanada Golaha.

Dr. Mahad ayaa sidoo kale u mahadceliyay ciidamada amniga ee Koonfur Galbeed iyo ciidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga doorashooyinkii ka dhacay guud ahaan Koonfur Galbeed, iyo dadaallada ay sii wadaan ee lagu ilaalinayo mas’uuliyiinta dowladda iyo sugidda amniga guud ee bulshada.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top