Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Ku-simaha Madaxweynaha ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Qaranka ee Dugsiyada Sare, kaas oo ay u fadhiisteen ardayda fasalka 12-aad.
Guud ahaan 7,584 arday oo ka kala socday deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa imtixaanka u fariistay, iyadoo lagu qabtay 29 xarumood oo ku kala yaalla 10 degmo.
Dr. Mahad ayaa ardayda kula dardaarmay inay inta uu imtixaanku socdo diiradda saaraan waxbarashadooda, isla markaana ay si buuxda u ilaaliyaan habraacyada imtixaanka iyo xeerarka qaranka ee waxbarashada.
Madaxweynaha Ku-simaha ah ayaa ardayda u rajeeyay natiijooyin wanaagsan, isagoo muujiyay rajada ah inay kaalmaha hore ka galaan imtixaanka qaranka ee guud ahaan dalka ka socda.


