Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna ku simaha Madaxweynaha ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.
Intii uu booqashada ku guda jiray, wuxuu la kulmay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Marwo Iimaan Cali Cabdi, oo warbixin ka siisay hawlaha ay Wasaaraddu waddo iyo adeegyada ay u fidiso bulshada ku nool guud ahaan Koonfur Galbeed.
Wasiiraddu waxay sheegtay in horumar laga sameeyay wax ka qabashada yaraanta tamarta iyo xaaladaha abaaraha, iyadoo la hirgeliyay mashaariic lagu gaarsiinayo bulshada koronto iyo biyo nadiif ah. Waxay sidoo kale xustay in mashaariic kale oo dhowr ah ay hadda ka socdaan deegaanno kala duwan oo Koonfur Galbeed ah.
Dr. Mahad ayaa Wasiiradda faray in la dardargeliyo dadaallada wax looga qabanayo abaaraha, isla markaana la ballaariyo mashaariicda lagu horumarinayo helitaanka tamarta iyo biyaha nadiifta ah ee bulshada ku nool guud ahaan Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Gabagabadii booqashada, Madaxweynaha Ku-simaha ah ayaa kormeer ku sameeyay xafiisyada Wasaaradda, isagoo u kuur galay shaqada ay hayaan waaxyaha kala duwan.


