Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Shaati-Gaduud ee Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiye Ku-xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Marwo Saciido Yaasiin Xaaji Samatar, oo xilka Guddoomiyaha Ku-simaha ah haysay, iyo Mudane Cali Shabaaan Ibraahim.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, Mudane Aadan Xasan Maxamed (Osama), iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Marwo Shamso Maxamed Yaroow, ayaa sidoo kale ka qayb galay munaasabadda soo dhaweynta, oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin dowladeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Wafdiga ayaa Baydhabo u yimid inay ka qayb galaan xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).


