Hoggaanka Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka qayb galay kulan shaqo oo Guddiga Qabanqaabada Caleemo-saarka Madaxweynaha uu ku soo bandhigay warbixin ku saabsan heerka uu marayo diyaar-garowga xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Guddigu wuxuu Hoggaanka Baarlamaanka ka warbixiyay habraacyada iyo qorshayaasha loo diyaariyay xafladda, iyo sidoo kale wada-shaqeynta uu la leeyahay hay’adaha kale ee dowladda.
Kulanka oo uu guddoominayay Madaxweynaha ayaa lagu eegay qabanqaabada lagu soo dhaweynayo madaxda iyo diblomaasiyiinta lagu casuumay inay ka qayb galaan xafladda caleemo-saarka.
Kulanka kadib, Madaxweynaha iyo Hoggaanka Baarlamaanka ayaa kormeer ku sameeyay goobaha loo qoondeeyay martigelinta madaxda iyo martida kale ee ka qaybgalaysa xafladda.
Waxay Guddiga Qabanqaabada ku boorriyeen inuu dardargeliyo hawlaha diyaar-garowga isla markaana si buuxda u hirgeliyo qorshayaashii lagu heshiiyay, si xafladda caleemo-saarku ugu dhacdo heerka ugu habboon.


