Haweenka Baydhabo Oo Soo Dhaweyn U Sameeyay Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Wakiillada Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu soo dhawaynayay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya Marwo Shamso Maxamed Yaroow.

Munaasabaddaan oo ay soo Agaasimeen Ururka Haweenka Degmada Baydhabo ayaa Guddoomiye Shamso Maxamed Yaroow looga mahadceliyay shaqooyinkii ay u qabatay Haweenka xilliga ay joogtay Wasaaradda Haweenka Koofur galbeed Soomaaliya.

Guddoomiye Shamso ayaa Ururka Haweenka Baydhabo kaga mahacelisay garab istaagooda iyada oo ballan qaaday in ay wax badan ka qaban doonto Arrimaha Haweenka ayna ugu shaqeyn doonto si caddaalad ah.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top