Baydhabo, 25 Agoosto 2026: Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed, ugu hambalyeeyay munaasabadda dhalashada Nabi Muxammad NNKH.
Munaasabaddan qiimaha weyn ku leh quluubta Muslimiinta ayaa fursad u ah xusuusashada siirada Nabiga, ku dayashada akhlaaqdiisa suubban, iyo xoojinta qiyamka naxariista, caddaaladda iyo isu dulqaadashada.
Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay munaasabaddan ku xoojiyaan walaaltinimada, iscafinta, iscaawinta iyo garab istaagga dadka nugul.
Ugu dambayn, waxay Alle ka baryeen in munaasabaddani ummadda Soomaaliyeed u horseeddo nabad, midnimo, barwaaqo iyo isku duubni.


