Guddoonka Golaha Wakiillada oo Kulan ka Yeeshay Arrimaha El Niño iyo Wacyigelinta Bulshada

Baydhabo, 21 Sebtembar 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha, Mudane Aadan Xasan Maxamed, ayaa kulan kula yeeshay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo xubno ka tirsan Guddiga El Niño ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda El Niño, saameynta ay ku yeelan karto bulshada, heerka diyaar-garowga hay’adaha dowladda, iyo tallaabooyinka lagu yareyn karo khataraha ka dhalan kara roobabka iyo xaaladaha degdegga ah. Mas’uuliyiinta ka qaybgalay kulanka ayaa sidoo kale is-weydaarsaday xog iyo warbixinno ku saabsan xaaladda taagan.

Waxaa si gaar ah looga hadlay xoojinta wacyigelinta bulshada ee ku saabsan khataraha El Niño, tallaabooyinka badbaadada iyo muhiimadda ay leedahay in fariimaha digniinta iyo macluumaadka saxda ah si joogto ah loo gaarsiiyo shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda wada-shaqayn dhow oo dhex marta hay’adaha ay khusayso, si loo xoojiyo diyaar-garowga loona yareeyo saameynta ka dhalan karta xaaladaha degdegga ah.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top