Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya oo wehlinayay Hoggaamiyaha Dowladda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-guduud ku soo dhaweeyay Ra,iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre.
Masuuliyiin Dowladeed Xildhibaano, Wasiirro, iyo Dadwayne badan ayaa soo dhaweeyay Wafdiga Ra,iisal wasaaraha oo ka qeyb gelaya Caleema saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.


