Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Aadan Xasan Maxamed (Osama), iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Marwo Shamso Maxamed Yaroow, ayaa qaabilay wafdi ka socday Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Vikram Parekh, Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyo Morgan Dube, Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Koonfur Galbeed.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada dib-u-heshiisiinta, dhismaha dowladnimada, maamul-daadejinta iyo xoojinta nabadda iyo amniga.
Hoggaanka Baarlamaanka ayaa mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ugu baaqay inay xoojiyaan ka qaybqaadashadooda horumarinta gobolka, qoto dheereeyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha dowlad-goboleedka, isla markaana ballaariyaan taageerada ay siiyaan Dowladda Koonfur Galbeed.
Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa dhankooda xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed iyo taageeridda dadaallada la xiriira xasilloonida, amniga, dhismaha dowladnimada iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee loo dhan yahay.


