Baydhabo, 23 Sebtembar 2026: Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Xildhibaan Aadan Cabdi Gaas, ayaa ka warbixiyay wax-ka-beddelladii lagu sameeyay Xeer-hoosaadka Golaha ee maanta la meel-mariyay.
Guddoomiyaha Guddiga ayaa faahfaahin ka bixiyay geeddi-socodkii dib-u-eegista, doodihii Xildhibaannada iyo qodobbadii wax-ka-beddelka lagu sameeyay, kuwaas oo qayb ka ahaa dhammaystirka Xeer-hoosaadka Golaha.


