Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Aadan Xasan Maxamed (Osama), iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Marwo Shamso Maxamed Yaroow, ayaa guddoomiyay Fadhigii Saddexaad ee Kalfadhiga Koowaad ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha fadhiga ayaa diiradda lagu saaray dhageysiga khudbadaha siyaasadeed ee musharraxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Musharraxiinta kala ah Cabdicasiis Maxamed Cismaan Jawaari, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo bandhigay barnaamijyadooda, qorshayaashooda iyo mudnaanta ay doonayaan in ay ku hoggaamiyaan Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha ayaa kaddib soo xiray fadhiga, iyadoo doorashada Madaxweynaha loo qorsheeyay inay dhacdo maalinta xigta, 10 Juun 2026.


