Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Aadan Xasan Maxamed, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Marwo Shamso Maxamed Yaroow, ayaa ka qayb galay qado sharaf lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Koonfur Galbeed, taas oo uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ugu sameeyay odayaasha dhaqanka ee Dowlad-Goboleedka.

Doodaha iyo wada-hadallada kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada iyo isku-duubnida bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta guud ahaan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka ayaa lagu ammaanay kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qaateen doorashadii Koonfur Galbeed, gaar ahaan doorkooda ku aaddanaa wacyigelinta iyo dhiirrigelinta shacabka si ay uga qayb qaataan doorashooyinka qof iyo cod.

Sidoo kale, hoggaanka Dowlad-Goboleedka waxaa lagu boorriyay inay ku dhaqmaan maamul caddaalad ah, isla markaana ay qabtaan shir dib-u-heshiisiin oo loo dhan yahay, kaas oo ay ka qayb galaan dhammaan bulshada iyo beelaha ku nool Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top