Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Aadan Xasan Maxamed (Osama), ayaa qaabilay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Bakool iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Xudur.
Mas’uuliyiinta ayaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ugu hambalyeeyay doorashadooda, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay iskaashiga iyo sidii loo horumarin lahaa bulshada ku nool guud ahaan Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan iyo Mudane Aadan Xasan Maxamed ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay inay shacabka Koonfur Galbeed ugu adeegaan caddaalad, mas’uuliyad iyo daacadnimo.


