Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi uu Hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, Mudane Sadiiq Abshir Garaad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka doorashooyinka iyo horumarka laga sameeyay diyaar-garowga doorashooyinka dhiman.

Guddoomiyaha ayaa Guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan hawlaha uu hadda wado iyo qorshayaasha loogu diyaar garoobayo qabashada doorashooyinka.

Gabagabadii, Guddoomiyuhu wuxuu Guddiga ku dhiirrigeliyay in ay dardargeliyaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay dhammaystiraan diyaar-garowga lagama maarmaanka ah, si waafaqsan jadwalka doorashooyinka iyo shuruucda khuseysa.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top