Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka doorashooyinka iyo horumarka laga sameeyay diyaar-garowga doorashooyinka dhiman.

Gabagabadii, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Guddiga ku dhiirrigeliyay in ay dardargeliyaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay dhammaystiraan diyaar-garowga doorashooyinka ee lagama maarmaanka ah, si waafaqsan jadwalka la dejiyay iyo shuruucda khuseysa.

Guddiga doorashooyinka ayaa waddo diyaar garoowga loogu jira doorashada Hoggaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya maadaama maalin kaliya ay ka harsantahay doorashada guud ee madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top