Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Ahna Ku Simaha Hoggaamiyaha Oo Hambalyo U Diray Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ahna Ku simaha hoggaamiyaha, mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa hambalyo diirran u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)oo ay maanta xilkaas u doorteen Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Dr. Mahada ayaa Gudoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ugu hambalyeeyay kalsoonida ay Xildhibaannadu ku doorteen, isagoo u rajeeyay guul iyo in Alle u fududeeyo masuuliyadda qaran ee loo igmaday.

 

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu muujiyay muhiimadda wada shaqaynta Baarlamaanka, Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, si loo xoojiyo dowladnimada, midnimada iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

 

Ugu dambayn, Guddoomiye Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa Guddoomiyaha cusub u rajeeyay guul, iyo in Alle ku garab galo xilka loo doortay.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top