Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Ku-simaha Madaxweynaha ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa Axmed Maxamed Cumar u magacaabay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada.
Magacaabistan ayaa lagu saleeyay baahida loo qabo in si hufan loo maareeyo hawlaha Golaha, loona isku dubbarido barnaamijyada iyo howlaha baarlamaaniga ah.
Iyadoo la tixgelinayo kartida, aqoonta iyo waxqabadka uu Axmed Maxamed Cumar ku leeyahay horumarinta qaranka, Guddoomiyuhu wuxuu ku boorriyay inuu xilkiisa u guto si dadaal, xirfad iyo hufnaan leh, isla markaana uu gacan ka geysto horumarinta hawlaha mudnaanta u leh Golaha.
Dr. Mahad ayaa Xoghayaha Guud ee cusub u rajeeyay guul iyo in uu si wanaagsan u guto waajibaadka loo igmaday, isagoo Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo dhiibay.
Guddoomiyuhu sidoo kale wuxuu mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Xoghayihii Guud ee xilka ka degay, Cabdirisaaq Axmed Yaasiin, isagoo uga mahadceliyay adeegii qiimaha lahaa ee uu u soo qabtay Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


