Guddoomiyaha Golaha ahna ku-simaha Madaxweynaha oo Magacaabay Madaxa Amniga Hoggaanka Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Ahna Ku-simaha Madaxweynaha ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa Nuurdiin Axmed Maxamed u magacaabay Madaxa Amniga Hoggaanka Baarlamaanka.

Magacaabistan ayaa ka tarjumaysa dadaalka Guddoomiyaha ee lagu xoojinayo amniga iyo badbaadada Hoggaanka Baarlamaanka.

Nuurdiin Axmed Maxamed wuxuu leeyahay khibrad ballaaran oo dhinaca arrimaha amniga qaranka ah, isagoo horay xilal kala duwan uga soo qabtay ciidamada amniga Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed.

Dr. Mahad ayaa Madaxa Amniga cusub u rajeeyay guul iyo inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday, isagoo Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda muhiimka ah ee loo dhiibay.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top