Guddoomiyaha Golaha ahna ku-simaha Madaxweynaha oo Magacaabay Agaasimaha Hab-maamuuska.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Ku-simaha Madaxweynaha ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa Xasan Maxamed Gudow u magacaabay Agaasimaha Hab-maamuuska (Protocol-ka) Golaha Wakiillada.

Magacaabistan ayaa ka tarjumaysa dadaalka Guddoomiyaha ee ku aaddan xaqiijinta habsami-u-socodka shaqada Golaha iyo xoojinta isku-duwidda arrimaha hab-maamuuska ee Hoggaanka Baarlamaanka.

Xasan Maxamed Gudow ayaa horay uga soo qabtay Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed xilal kala duwan oo adeegga bulshada ah. Xilkiisa cusub, wuxuu mas’uul ka noqon doonaa maareynta iyo isku-dubbaridka arrimaha hab-maamuuska ee Hoggaanka Baarlamaanka iyo Golaha Wakiillada.

Dr. Mahad ayaa Agaasimaha cusub u rajeeyay guul iyo inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday, isagoo Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda muhiimka ah ee loo dhiibay.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top