Guddiga Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta oo Booqasho Shaqo ku Tagay Wasaaradda Qorsheynta

Baydhabo, 21 Sebtembar 2026: Guddiga Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Booqashada waxaa hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Ibraahim Cumar Cali, iyo Xoghayaha Guddiga, Xildhibaan Raxma Abuukar Saalax, waxaana ka qaybgalay xubno kale oo ka tirsan Guddiga.

Intii uu kulanku socday, Guddigu wuxuu mas’uuliyiinta Wasaaradda ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha Wasaaradda, qorshayaasha socda, barnaamijyada horumarineed, caqabadaha jira iyo mudnaanta shaqo ee horyaalla.

Xubnaha Guddiga ayaa sidoo kale su’aalo iyo faahfaahin dheeraad ah ka weydiiyay arrimaha la xiriira qorsheynta, hirgelinta barnaamijyada iyo dabagalka howlaha Wasaaradda.

Booqashadu waxay qayb ka ahayd gudashada waajibaadka Guddiga ee korjoogteynta, xog-helidda iyo isla-xisaabtanka, iyadoo sidoo kale lagu xoojinayo wada-shaqaynta u dhexeysa Golaha Wakiillada iyo hay’adaha fulinta ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top