Guddiga Joogtada ah oo Soo Gabagabeeyay Dib-u-eegista Wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha

Baydhabo, 22 Sebtembar 2026: Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay dib-u-eegista warbixinta wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha, iyadoo Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda uu soo bandhigay Cutubyada 7-aad, 8-aad iyo 9-aad oo ahaa cutubyadii ugu dambeeyay ee geeddi-socodka dib-u-eegista.

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Mudane Aadan Xasan Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Marwo Shamso Maxamed Yaroow, Hab-dhowraha Golaha, Guddoomiyeyaasha Guddiyada iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Golaha.

Ugu horrayn, Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda ayaa Guddiga Joogtada ah u soo bandhigay qodobbada wax-ka-beddelka lagu sameeyay Cutubyada 7-aad, 8-aad iyo 9-aad. Xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa qodob-qodob uga dooday wax-ka-beddellada la soo jeediyay, waxaana la diyaariyay nuqullada dib loo habeeyay si loo horgeeyo Xildhibaannada Golaha.

Guddiga Joogtada ah, isagoo mudnaan siinaya ku dhaqanka Xeer-hoosaadka iyo habsami-u-socodka shaqada sharci-dejinta, ayaa Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda faray inuu diyaariyo nuqulka loo gudbinayo Xildhibaannada kulanka xiga, si ay uga doodaan uguna codeeyaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa bogaadiyay shaqada ay Guddigu ka qabteen dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha, iyadoo inta badan cutubyada hore ay hore u meel-mariyeen Xildhibaannada.

Ugu dambayn, Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda ayaa dhammaystiray diyaarinta cutubyada haray, si loogu horgeeyo Xildhibaannada Golaha looguna sii ambaqaado geeddi-socodka meel-marinta Xeer-hoosaadka.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top