Guddiga Joogtada ah oo loo soo bandhigay warbixinta wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha, dib-u-eegisna ku sameeyay cutubyada kale.

799427859 1403023875347380 4377486861160100099 n (1)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa shir-guddoomiyey kulan ay yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha, kaas oo diiradda lagu saaray warbixinta wax-ka-beddelka Cutubka 1-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha iyo dib-u-eegista cutubyada kale.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiillada waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Mudane Aadan Xasan Maxamed, Hab-dhowraha Golaha Wakiillada, Mudane Idiris Axmed Yacquub, iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha.

Ugu horrayn, Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda ayaa soo bandhigay warbixinta ku saabsan wax-ka-beddelka Cutubka 1-aad, taas oo lagu saleeyey aragtiyihii, talooyinkii iyo doodihii ay Xildhibaannadu ka dhiibteen fadhiyada guud ee Golaha.

Guddigu wuxuu sidoo kale soo jeediyey in dib-u-eegis iyo qiimayn lagu sameeyo cutubyada kale ee Xeer-hoosaadka, si loo hubiyo isku-xirnaanta qodobbada, waafaqsanaantooda iyo dhammaystirkooda ka hor inta aan loo gudbin fadhiga guud ee Golaha Wakiillada.

Guddiga Joogtada ah ayaa si qoto dheer uga baaraan-degay qodobbada wax-ka-beddelka lagu sameeyey, talooyinka Xildhibaannada iyo cutubyada kale ee u baahan dib-u-habayn, iyada oo la tixgelinayo baahida loo qabo Xeer-hoosaad si cad u nidaamiya habsami-u-socodka shaqada Golaha.

Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale la isku dhaafsaday xog iyo aragtiyo ku saabsan hawlaha kale ee horyaalla fadhiyada Golaha, kuwaas oo la xiriira sharci-dejinta, kormeerka hay’adaha dowladda iyo tayeynta shaqada hay’adaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiye Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda faray inuu si nidaamsan isugu waafajiyo qodobbada wax laga beddelay, talooyinka Xildhibaannada iyo nuxurka cutubyada kale, si loo helo Xeer-hoosaad dhammaystiran, dhaqan-gal ah, isla markaana Golaha u fududeeya gudashada waajibaadkiisa.

Ugu dambayn, Guddiga Joogtada ah ayaa soo gabagabeeyey ka-baaraan-degga warbixinta wax-ka-beddelka Cutubka 1-aad, waxaana Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda loo xil-saaray diyaarinta nuqulka kama dambaysta ah ee loo gudbin doono fadhiga guud ee Golaha Wakiillada.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top