Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisii koowaad, kaas oo uu shir guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha, Mudane Aadan Xasan Maxamed iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha Wakiillada.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray dejinta ajandeyaasha kulamada Golaha, kala hormarinta hindise sharciyeedyada horyaalla Golaha, dardargelinta shaqooyinka guddiyada iyo qorsheynta howlaha Baarlamaanka.
Guddiga Joogtada ah ayaa isla qaatay in mudnaan la siiyo hindise sharciyeedyada muhiimka u ah Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, isla markaana si nidaamsan loo jadwaleeyo ajandeyaasha Golaha, si loo dardargeliyo gudashada waajibaadka sharci dejinta, matalaadda shacabka iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, Guddigu wuxuu ka arrinsaday qabashada barnaamij shaqo oo saddex maalmood ah, kaas oo lagu xoojinayo kor u qaadidda awoodda guddiyada, habraacyada shaqada iyo gudashada waajibaadkooda baarlamaaniga ah.
Guddoomiyaha Golaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta shaqooyinka Baarlamaanka iyo in Xildhibaannadu xiriir joogto ah la yeeshaan bulshada ay matalaan, una soo gudbiyaan Golaha baahiyaha iyo aragtiyaha shacabka.

















