Guddiga Joogtada Ah Oo Ka Shiray Ajendeyaasha Mudnaanta U Leh Golaha Wakiillada

Baydhabo, 14 Sebteembar 2026 — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada.

Kulanka waxaa looga hadlay waxqabadka Guddiyada, korjoogteyntii ay sameeyeen, dib-u-eegista Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada iyo is-xog-waraysi ku saabsan howlaha mudnaanta u leh Guddiga Joogtada ah. Waxaa kulanka ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Mudane Aadan Xasan Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Marwo Shamso Maxamed Yaroow, Hab-dhowraha, Ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha Wakiillada.

Ugu horrayn, Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda Xildhibaannada ayaa Guddiga Joogtada ah u soo bandhigay Cutubyada 2-aad iyo 3-aad ee Xeer-hoosaadka, kuwaas oo u baahan dib-u-eegis iyo waafajin Dastuurka si loogu gudbiyo fadhiyada Golaha Wakiillada.

Guddiga Joogtada ah ayaa Guddiga qaabilsan Xeer-hoosaadka faray in la diyaariyo nuqullada qabyo-qoraalka wax-ka-beddellada, si Xildhibaannadu uga doodaan fadhiyada soo socda ee Golaha.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa Guddoomiyeyaasha Guddiyada ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha guddiyada, la soo gudbiyo sharciyada iyo qodobbada u baahan doodda Golaha, lana xoojiyo gudashada waajibaadka matalaadda shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambayn, Guddiga Joogtada ah ayaa isku raacay in nuqullada diyaarsan loo gudbiyo fadhiyada Golaha Wakiillada, si Xildhibaannadu uga doodaan qodobbada u baahan wax-ka-beddelka, loona dhammaystiro Xeer-hoosaad hagaya fadhiyada iyo habsami-u-socodka howlaha Golaha Wakiillada.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top