Xaruunta Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya doorasho maanta ka qabsoontay ayaa waxaa lagu doortay Guddoonka Guddiga Howlaha guud iyo dib-udhiska ee Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.
Guddigaan oo muhiim u ah howlaha dib u-dhiska Koofur galbeed iyo korjoogtaynta hay,adaha shaqada ku leh ayaa maanta si rasmi ah u doortay hoggaanka hagi lahaa Guddigaas.
Doorashadaan oo ku dhacday si-daah furan iyo dimuquraadi ayaa waxaa la doortay:-
- Xildhibaan Yoonis Maxamed Cabdiraxmaan ( Guddoomiye ).
- Xildhibaan Cabdullaahi Mustaf Aadam ( Guddoomiye ku xigeen ).
- Xildhibaan Suleymaan Shuceyb Cali ( Xoghaye ).


