Xarunta Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka qabsoomay kulan ay Guddoon ku doorteen Guddiga Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Golaha.
Doorashadaan oo ku qabsoontay si daahfuran oo dimuquraadi ah ayaa Guddoonka Guddiga waxaa loo doortay Mudaneyaasha kala ah:-
- Xildhibaan Bishaaro Cali Nuur ( Guddoomiyaha Guddiga Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ).
- Xildhibaan Luul Isaaq Aadan (Guddoomiye ku xigeenka 1aad ).
- Xildhibaan Safiya Cabdiqaadir Aadan ( Xogahaye ).


