Guddiga Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Caddaaladda Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoo gudanaya waajibaadkooda kormeerka iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Intii uu kulanku socday, Guddiga ayaa Wasiirka Caddaaladda kala hadlay horumarinta adeegyada caddaaladda, tayeynta hay’adaha garsoorka iyo sidii loo dhisi lahaa nidaam caddaaladeed oo hufan, la isku halayn karo, isla markaana si siman u gaara bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qiray muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqaynta u dhexeysa Guddiga Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Caddaaladda, si loo wanaajiyo adeegyada caddaaladda iyo garsoorka, loona xaqiijiyo in shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay helaan adeegyo tayo leh, hufan oo ku dhisan caddaalad iyo isla-xisaabtan.


