Guddiga Dastuurka, Anshaxa iyo Xeer-hoosaadka oo Golaha u Soo Bandhigay Warbixinta Wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka

790591039 1397348862581548 5255341413148366474 n

Baydhabo, 31 Agoosto 2026: Guddiga Dastuurka, Anshaxa iyo Xeer-hoosaadka ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa fadhigii 7-aad ee Kalfadhiga 1-aad Golaha u soo bandhigay warbixinta ku saabsan wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha.

Fadhiga waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan.

Wax-ka-beddelka la soo jeediyay ayaa ka dhashay mooshin ay soo gudbiyeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha. Guddigu wuxuu Xildhibaannada la wadaagay qodobbada la soo jeediyay in wax laga beddelo iyo sababaha loo arkay inay u baahan yihiin dib-u-eegis.

Nuqulka warbixinta ayaa loo qaybiyay Xildhibaannada si ay u dersaan uguna diyaar garoobaan doodda iyo falanqaynta Golaha ee fadhiyada xiga.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Xildhibaannada ku boorriyay inay si qoto dheer u dersaan warbixinta ka hor inta aan Golaha loo gudbin doodda iyo go’aan ka gaarista soo-jeedimaha wax-ka-beddelka.

Dib-u-eegista Xeer-hoosaadka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu tayeynayo habraacyada Golaha iyo lagu xoojinayo habsami-u-socodka shaqada Baarlamaanka.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top