Baydhabo, 16 Sebteembar 2026 — Guddiga Arrimaha Bulshada, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyaga oo gudanaya waajibaadkooda korjoogteyn ee hay’adaha ay qaabilsan yihiin.
Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray is-xog-waraysi, wada-shaqeyn iyo xoojinta xiriirka shaqo ee u dhexeeya Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda. Guddiga waxaa qaabilay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdiqaadir Ibraahim Fareey.
Guddiga oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamed Kheyre Salaad, ayaa Wasiirka ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha Wasaaradda, mudnaanta shaqo iyo adeegyada ay u qabato bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddiga ayaa sidoo kale Wasaaradda ku boorriyay in la sii wanaajiyo tayada, hufnaanta iyo fududeynta adeegyada ay u hayso shacabka, si adeegyadaasi uga jawaabaan baahiyaha bulshada.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdiqaadir Ibraahim Fareey, ayaa sheegay in Wasaaraddu sii xoojin doonto howlaha iyo adeegyada ay bulshada u hayso, isla markaana diiradda la saari doono adeegyo hufan, loo dhan yahay oo si wax-ku-ool ah u gaara shacabka.


