Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhigii 7aad ee Kalfadhiga 1aad ee Golaha Wakiillada.
Xildhibaannada Golaha ayaa dood iyo falanqayn ka yeeshay dib-u-eegista Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2026, taas oo ay Golaha u soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Intii ay dooddu socotay, Xildhibaannadu waxay su’aalo ka weydiiyeen qodobbada miisaaniyadda, iyaga oo soo jeediyey aragtiyo iyo talooyin la xiriira dib-u-eegisteeda.
Markii dooddu soo dhammaatay, Guddoomiyaha ayaa dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026 geliyey cod, waxaana Xildhibaannada Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen.
Miisaaniyadda la ansixiyey ayaa lagu maamuli doonaa howlaha hay’adaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya muddada ka harsan sannadka 2026.








