Golaha Wakiillada Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya Oo Meel Mariyay Guddiyada Iyo Hab-dhowreyaasha Golaha.

753164013 1365340315782403 7506759238718413938 n (1)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya Mudane Dr Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa Guddoomiyay kulanka 6aad kalfadhiga 1aad oo lagu meel mariyay Guddiyada iyo Hab-dhowreyaasha Golaha Wakiillada.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay Guddiyada iyo hab-dhowreyaasha Golaha si loo dardar geliyo howlaha hortabinta u leh Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.

Guddiyada oo ka kooban 8 Guddi ayaa kala ah:-

1-Guddiga-Xeer-Hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda, Daryeelka Xildhibaannada iyo Dastuurka.

2-Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.

3-Guddiga Amniga, Arrimaha Gudaha, Maamulka Gobolada, Degmooyinka, Dib-uheshiisiinta iyo Horumarinta Reer Miyiga.

4-Guddiga Arrimaha Bulshada, Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada, Isboortiga, Isgaarsiinta, Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

5-Guddiga Horumarinta Kheyraadka.

6-Guddiga Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Qorsheynta iyo Tira koobka.

7-Guddiga Haweenka, Xuquuqul Insaanka, Gargaarka, iyo Maaraynta Musiibooyinka.

 

8-Guddiga Howlaha Guud, Dib-udhiska Dalka, Dekadaha iyo Gaadiidka.

 

Sidoo kale Hab-dhowreyaasha ay meel mariyeen Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya oo ka kooban Saddex Hab-dhowre ayaa kala ah:-

1-Idiris Axmed Yacquub ( Hab-dhowre ).

2-Maxamed Mucaawiye Ibraahim ( ku xigeenka 1aad ).

3-Maxaad Maxamed Ciise ( ku xigeenka 2aad ).

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya Mudane Dr Mahad Maxamed Sheekh Xasan oo natiijada codaynta ku dhawaaqay ayaa Xildhibaannada ugu mahadceliyay gudashada waajibaadkooda iyo ka shaqaynta howlaha hortabinta u leh Dowlad dhiskeenna.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top