Xildhibaannada Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed oo Dhammaystiray Meel-marinta Xeer-hoosaadka Golaha

Baydhabo, 23 Sebtembar 2026: Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankii 11-aad ee Kalfadhiga 1-aad, kaas oo diiradda lagu saaray dhammaystirka geeddi-socodka dib-u-eegista Xeer-hoosaadka Golaha iyo waafajintiisa Dastuurka.

Xildhibaannada Golaha ayaa kulanka ku dhammaystiray ka doodista iyo meel-marinta saddexda cutub ee ugu dambeeya ee Xeer-hoosaadka, kuwaas oo kala ahaa Cutubyada 7-aad, 8-aad iyo 9-aad.

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Mudane Aadan Xasan Maxamed, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Marwo Shamso Maxamed Yaroow.

Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda ayaa Xildhibaannada u soo bandhigay warbixinta wax-ka-beddelka ee Cutubyada 7-aad, 8-aad iyo 9-aad, kaddibna waxaa xigay dood iyo soo-jeedimo ay Xildhibaannadu ka dhiibteen qodobbada la horgeeyay Golaha.

Doodda kaddib, Golaha ayaa cod u qaaday saddexda cutub, waxaana lagu meel-mariyay cod aqlabiyad leh.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda faray inay soo saaraan nuqulka rasmiga ah ee Xeer-hoosaadka cusub.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bogaadiyay shaqada ay qabteen Guddiga iyo Xildhibaannada, gaar ahaan dadaalka, dulqaadka, ka-qaybgalka doodaha wax-ku-oolka ah iyo gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah intii uu socday geeddi-socodka dib-u-eegista Xeer-hoosaadka.

Ugu dambayn, Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda ayaa uga mahadceliyay Xildhibaannada ka-qaybgalka iyo dadaalka ay muujiyeen muddadii uu socday dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka Xeer-hoosaadka Golaha.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top