Guddiga Maaliyadda Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Shaqo Howleed ku Tagay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda.

825292679 1420604453589322 1771443562308808777 n (1)

 

Baydhabo, 27 Sebtembar 2026: Guddiga Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Maaliyadda, halkaas oo ay kulan kula yeesheen mas’uuliyiinta Wasaaradda.

Booqashada waxaa hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Xildhibaan Ibraahim Cumar Cali, waxaana ka qaybgalay Xoghayaha Guddiga, Xildhibaan Raxma Abuukar Saalax, iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray halka ay marayso dhaqangelinta Miisaaniyadda 2026, xaaladda dakhliga iyo canshuuraha Dowlad-Goboleedka, caqabadaha jira, iyo dadaallada lagu xoojinayo ururinta dakhliga gudaha.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay diyaarinta Miisaaniyadda 2027 iyo qorshayaasha maaliyadeed ee Wasaaradda horyaalla.

Guddigu wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan dhinacyada hufnaanta maaliyadeed, isla-xisaabtanka, korjoogteynta dhaqangelinta miisaaniyadda, iyo horumarinta maamulka maaliyadda Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top