Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya waxaa ka qabsoomay Doorasho ay Guddoonka ku doorteen Guddiga Maaliyadda, Qorsheynta iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada.
Guddigaan ayaa muhiim u ah isla xisaabtanka, daah furnaanta hay,adaha maaliyadeed ee Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya si loo helo nidaam saxan oo ku dhisan shuruucda Dalka u degan.
Doorashadaan oo ku qabsoontay hab daah furan oo dimuquraadi ah ayaa Guddoonka waxaa noqday:-
- Xildhibaan Cusmaan Nuur Aadan Fiile ( Guddoomiye ).
- Xildhibaan Ibraahim Cumar Cali ( Guddoomiye ku xigeen ).
- Xildhibaan Raxmo Abuukar Saalax ( Xoghaye ).


