Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, ahna Ku Simaha Hoggaamiyaha Dowladda, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ka sagootiyey qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida ee ku dhaawacmay weerarkii ay ciidamadu ku fashiliyeen magaalada Baydhabo, isagoo mid mid u dul istaagay dhaawacyada, una rajeeyey caafimaad degdeg ah.
Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa sheegay in dowladdu garab taagan tahay ciidamada waxyeelladu ka soo gaartay weerarka, wuxuuna hay’adaha ay khusayso faray inay daryeel caafimaad oo buuxa siiyaan dhammaan askarta dhaawacantay.
Ku simaha Hoggaamiyaha Dowladda ayaa ciidamada qalabka sida ku ammaanay sida geesinimada leh ee ay u fashiliyeen weerarka, wuxuuna bulshada ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, kana qeyb qaataan ilaalinta amniga iyo xasilloonida.
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhallinyarada la marin habaabiyey inay ka waantoobaan colaadda, kana soo laabtaan jidka qaldan, una soo noqdaan dadkooda iyo deegaankooda, si ay uga qeyb qaataan nabadda, horumarka iyo dib u dhiska bulshada.
Ugu dambayn, wuxuu Alle uga baryey ciidamada iyo shacabkii ku dhaawacmay inuu caafimaad degdeg ah oo dhammaystiran siiyo.
Geeshkeenow, guuleysta.


