Golaha Wakiillada Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya Oo Meel Mariyay Golaha Wasiirrada Iyo Barnaamijka Siyaasadeed Xukuumadda.

738493725 1350389770610791 3315811201048127517 n

Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa hoggaamiyaha Dowladda kala qeyb gelay Casho sharaf lagu maamuusayay martida goob jooga u ahayd Munaasabadda Caleema-saarka ee maanta dhacday.

Guddooniye ku xigeennada labada Aqal ee BJF, Xildhibaano iyo Wasiiro heer federaal, Mauuliyiinta Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Baydhabo ayaa ku sugnaa munaasabadda Caleema-saarka.

Martida Munaasabadda Casho sharafta ka hadashay ayaa bogaadin iyo kalsooni u muujiyay Madaxda Dowladda Koofur galbeed ee ku yimid doorashooyinka Dadwaynaha ee qof iyo codka ahayd iyaga oo sheegay in mar waliba ay garab taaganyihiin madaxdooda.

Dowladda Koofur galbeed iyo Madaxdeeda ayaa laga codsaday u shaqaynta Bulshada, xoojinta Amniga, dimuquraadiyeynta, isku heynta Bulshada, Kobaca dhaqaalaha iyo tayaynta himilooyinka fog fog ee Maamulka Kooofur galbeed hiigsanayo.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top