Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Koofur Galbeed Soomaaliya Oo Hoggaamiyaha Dowladda Ku Wehliyay Soo Dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya Mudane Dr Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa hoggaamiyaha Dowladda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ku wehliyay soo dhawaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynaha JFS iyo wafdigiisa ayaa si diirran waxaa usoo dhaweeyay masuuliyiinta Dowladda heerarkooda kala duwan, Xildhibaano, Wasiirro heer Federaal, Saraakiil Ciidan iyo Dadwayne fara badan.

Masuuliyiintaan ayaa Magaalada Baydhabo u yimid ka qeyb galka Caleema saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top