Doorasho maanta ka qabsoontay xarunta Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa lagu doortay Guddoonka Guddiga Dastuurka Anshaxa iyo Xeer hoosaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Koofur galbeed Soomaaliya.
Guddoonka Guddiga la doortay ayaa kala ah:-
- Xildhibaan Aadan Cabdi Isaaq ( Guddoomiye ).
- Xildhibaan Maxamed Ibraahim Aadan ( Guddoomiye ku xigeen ).
- Xildhibaan Isaaq Xasan Maxamed ( Xoghaye ).


