Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada oo Ka Qayb Galay Munaasabadda Xuska Maalinta Xorriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Aadan Xasan Maxamed (Osama), iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Marwo Shamso Maxamed Yaroow, ayaa ka qayb galay munaasabadda 1-da Luulyo, Maalinta Xorriyadda Soomaaliya, oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Munaasabadda ayaa lagu xusay xornimada gobollada koonfureed ee Soomaaliya ay ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii gobollada waqooyi iyo koonfur, kaas oo lagu dhisay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Dr. Mahad ayaa tilmaamay muhiimadda weyn ee maalintani u leedahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay oo maamuusay naf-hurnimadii dhallinyaradii Soomaaliyeed ee u istaagtay halgankii lagaga soo horjeeday gumeysiga, kana qayb qaadatay xaqiijinta xorriyadda iyo midnimada dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Koonfur Galbeed, ugu baaqay inay ka go’naadaan ilaalinta midnimada qaranka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), wakiillo ka socday hay’adaha dowlad-goboleedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top