Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Baydhabo ku Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Labada mas’uul ayaa markii dambe yeeshay kulan ay kaga wada hadleen xaaladda guud ee Koonfur Galbeed iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada.

Waxay ku heshiiyeen in la dardargeliyo barnaamijyada mudnaanta u leh Dowladda, isla markaana la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha siyaasadda iyo adeegyada bulshada.

Munaasabadda soo dhaweynta waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday hay’adaha dowlad-goboleedka, laamaha amniga iyo ciidamada qalabka sida.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top