Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Ku-simaha Madaxweynaha ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda iyo agaasimayaasha warbaahinta ee magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda iyo horumarka ka socda Koonfur Galbeed, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Hoggaanka Baarlamaanka iyo warbaahinta.
Dr. Mahad ayaa warbaahinta uga mahadceliyay shaqada muhiimka ah ee ay ka hayaan guud ahaan Koonfur Galbeed, isagoo ku dhiirrigeliyay hay’adaha warbaahinta inay si dhow ula shaqeeyaan Golaha Wakiillada, gaar ahaan daboolidda howlaha sharci-dejinta ee mudnaanta u leh Golaha.
Madaxda iyo agaasimayaasha warbaahinta ayaa muujiyay diyaar garowgooda ku aaddan inay la shaqeeyaan Hoggaanka Baarlamaanka, waxayna caddeeyeen inay ka go’an tahay inay si dhammaystiran uga warbixiyaan fadhiyada Golaha Wakiillada iyo shaqada guddiyada Baarlamaanka.


