Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ayaa sii watay waajibaadkooda rasmiga ah ee caadiga ah

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ayaa sii watay waajibaadkooda rasmiga ah ee caadiga ah.

Hoggaanka Baarlamaanka ayaa xafiisyadooda ku qaabilay Xildhibaanada Golaha, siyaasiyiin, hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamadii ay yeesheen intii ay socdeen hawlahaas, waxay dhageysteen aragtiyo iyo talooyin ku saabsan dhismaha dowladnimada iyo horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan sidii loo wanaajin lahaa adeegyada loo fidiyo shacabka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top