Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Aadan Xasan Maxamed (Osama), iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Marwo Shamso Maxamed Yaroow, ayaa guddoomiyay Fadhigii Afraad ee Kalfadhiga Koowaad, kaas oo loo qabtay doorashada Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha ayaa si xor ah codadkooda ugu dhiibtay musharraxiintii u tartamayay xilka Madaxweynaha.

Kadib markii codadka la tiriyay, Guddoomiyaha Golaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay natiijada doorashada. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kaddib markii uu helay 88 cod, halka Cabdicasiis Maxamed Cismaan (Jawaari) uu helay hal cod. Hal warqad cod-bixineed ayaa noqotay cod aan ansax ahayn.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Madaxweynaha la doortay, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ku dhaariyay xilka, isagoo si rasmi ah ugu gudbiyay mas’uuliyadda hoggaaminta Dowladda Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha ayaa kaddib soo xiray fadhiga, isagoo u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay hirgelinta doorashada, gaar ahaan Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka, hay’adaha amniga iyo kooxihii farsamada.

Guddoomiyuhu wuxuu ammaanay doorka ay ka qaateen sugidda amniga iyo xaqiijinta in doorashadu u dhacdo si nabad ah, hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Share:

Facebook
X
LinkedIn
WhatsApp
Threads
Print
Scroll to Top